qalintech

Hordhac

Barashada koodhku waa xirfad cusub oo caan ah maalmahan. Aad ayay u badan tahay in xitaa dugsiyada sare ay manhajkooda ku daraan barnaamijyada. Barnaamijyada iyo koodhka ayaa inta badan la isweydaarsadaa laakiin labaduba way kala duwan yihiin.


Wax kasta oo aad u maleyn karto inaad ku fekeri karto waxaa lagu samayn karaa iyadoo la adeegsanayo app ama degel laga bilaabo dalbashada taksi, ama cunto ama dukaamaysiga internetka ilaa daawashada filimada ama xitaa qaadashada koorsada & xirfadaha ciyaarta. iyadoo badanaysa applicationska baahiyaha loo qabo, ayaa hadana waxaa kordhaya developerska iyo programmerska baahiyaha loo qabo sidaa darteedna barashada luqadda barnaamijka ayaa faa'iido u yeelan doonta. Maqaalkani wuxuu ka hadlayaa sida loo barto luqadda barnaamijka aad dooratay iyo habka saxda ah ee lagu bilaabi karo safarkaaga barnaamijka. Haddaba aan bilowno!

Sida loo barto koodhka

Kahor intaanan sii bilaabin akhriska aan ku xasuusiyo inaad dooratay waddo u baahan samir iyo dhiirigelin si aanad marnaba u quusan inkasta oo ay jiraan caqabadaha jidka. Akhri oo raac talaabooyinka hoose si aad u noqoto programmer buuxa.

1. iyadoo loo marayo shabakadaha (websites)

Shabakadaha sida Codecademy iyo Freecodecamp ayaa ka baran kartaa luuqadaha barnaamijyada. Kuwani waxaa lagu dhisay fikradda ah in arday badani markay bilowga yihiin ay ku dhibtoodaan installationka, marka waa loo fududeeyey editorka iyo casharka oo is garab yaala ayaa isticmaali kartaa.


2. Iyadoo loo marayo Casharrada Fiidiyowga

Haddii aad tahay qof jecel daraasad faahfaahsan oo leh talaabo talaabo ah kadib waxaan kugula talineynaa inaad iska diiwaangeliso casharada onlineka ku baxa oo ku baraya bilowgii iyo waxa loo baahan yahay fikradaha aasaasiga ah ee luqadda ilaa iyo meel sare oo aad awood u yeelanayso dhisida waxaad rabto. Casharrada iyo koorsooyinka qaarkood waxay sidoo kale bixiyaan shahaadooyin kaa caawin kara goor dambe markaad shaqo raadiso. Waxaan kugula talineynaa Pluralsight iyo Lynda inaad ka raadiso casharrada bilowga ah ee luqadda aad doorbidayso.