qalintech



Cutubkani wuxu ka hadlayaa naxwaha luuqadda Java (Java Language Syntax). Naxwaha luuqadda af-

ingiriisiga waxa lagu yidhaahdaa grammar, marka laga hadlaayo luuqadaha dadku ku hadlaan. Laakiin

marka laga hadlaayo luuqadaha kumbuyuutarka waxa inta badan la isticmaalaa ereyga Syntax. Naxwuhu

wuxu qeexayaa shuruudaha la raacaayo marka la qoraayo qoraalada luuqadaha dadka sida af-soomaaliga,

af-ingiriisiga, af-carabiga, iwm. Naxwe waxan cutubkan ugu bixiyey maadaama aan rabo inaan kaga

hadlo shuruudaha la raacaayo marka la qoraayo qoraalada borogaraamyada Java. Markaas haddii qo-

raalka (source code-ka) borogaraamka ku jirto qalad ama qaladaad xagga naxwaha ah waxa la yidhaahdaa

waa syntax error.

5.1 Ereyada u gaarka ah Java

Ereyada u gaarka ah luuqadda Java Java Keywords waxad ka arkaysaa miiska 5.1. Ereyadan uma

isticmaalikartid magacyada noocyada, magacyada sifooyinka, magacyada ficilada iyo magacyada door-

soomeyaasha, kuwaas oo guud ahaan loo yaqaano identifiers.

Miiska 5.1: Ereyada u gaarka ah luuqadda Java (Java keywords)

abstract continue for new switch

assert default goto package synchronized

boolean do if private this

break double implements protected throw

byte else import public throws

case enum instanceof return transient

catch extends int short try

char final interface static void

class finally long strictfp volatile

const float native super while

Qaar badan oo ka mid ereyada miiska 5.1 waad soo aragtay oo tusaalooyinkii aynu soo qaadanay

ayaad kusoo aragtay, laakiin sharaxaad badan kamaynaan bixin illaa hadda. Ereyada aad soo aragtay

waxa ka mid ah tusaale ahaan package, import, public, class, enum, int, return, this, new, throws, extends

iyo super. Sharaxaadooda badankood waxad ku baran qaybaha soo socda ee buuggan. Qaarkoodna

waxad baran mustaqbalka markaad dhexgasho luuqadda Java. Qaarkoodna waxa laga yaabaa inaanad

waligaa u baahan. Qoraalka borogaraamka haddii aad eegto, waxad arkaysaa in ereyada Java u gaarka

ah kalarkoodu ka duwanyahay qoraalka kale.

5.2 Noocyada

Noocyadu (classes) waa aasaaska luuqadda Java, maadaama Java tahay OOP language. OOP waxaynu

ugasoo hadalay hore. Waxaynu soo aragnay dhawr nooc oo ay kamid yihiin tusaale ahaan PersonTest

iyo Person, markaas waxaynu ka haysanaa sawir guud habka ay u eegyihiin noocyadu. Imika waxaynu

sharaxaad ka bixinaynaa qaabka ama shuruudda ay u yaallaan noocyada Java.

Access Modifier [ abstract | f i n a l ]  class ClassName [ extends SuperClassName implements InterfaceName] {

. . . // caloosha nooca oo ka kooban

. . . // sifooyin , ficillo iyo noocyo kale

}

Tusaalaha 5.1 wuxu ku tusayaa qaabka uu u dhisanyahay qoraalka noocyada Java. Waa shuru-

udda aad raacayso markaad qorayso nooc cusub. Aan waxyar ka taabto qaybaha kala duwan ee uu ka

koobanyahay qoraalka noocu aniga oo tixraacaaya tusaalaha 5.1:

1. AccessModifier (Access Modifier) waxay noqon kartaa public (oo aynu illaa hadda isticmaalaynay)

ama way madhnaan kartaa. Innagu waxaynu buuggan ku isticmaaleynaa marwalba public, taas oo

ka dhigan in noocan borogaraamka meel kasta laga isticmaali karo. AccessModifier-ka kadib waxa

imankara ereyada abstract ama final midkood, laakiin qasab ma aha inaad midkood isticmaasho,

sidaas awgeed innagu labadoodaba waynu ka tagaynaa. Waxyar ayey labadaas erey ka badalayaan

qaabka nooca loo isticmaalaayo, sidaas awgeed looma baahna inaynu halkan kaga hadalo. abstract

waxaynu ku arkidoonaa qaybta ugu dambaysa ee buuggan. Halkaas waxad ka arkaysaa in nooc

walba qoristiisa lagu bilaabaayo public oo uu ku xigo ereyga Java u gaarka ah ee class, kaas oo

sheegaaya in nooc cusub bilaabmaayo

2. Bilawga public class ka dib waxa imanaysa ClassName oo ah magaca nooca. Waa inuu xaraf weyn

ku bilaabmo magacu. Haddii magacu ka koobanyahay dhawr qaybood, waa in qayb waliba xaraf

weyn ku bilaabanto. Waxaynu soo aragnay tusaale ahaan magacyada Person, PersonTest, Student,

StudentTest. Waxa shuruud ah inaanu magaca noocu noqon erey kamid ah ereyada u gaarka ah

luuqadda Java. Buuggan inta badan waxaynu ku isticmaalaynaa magacyo af-ingiriisi ah, maadaama

ay ka gaaban yihiin af-soomaaliga inta badan. Laakiin adigu haddii aad rabto noocyadaada waxad

ula bixi kartaa magacyo af-soomaali ah sida Qof, QofTijaabiye, Arday iyo ArdayTijaabiye

3. Qaybta xerada ku jirta ee [extends SuperClassName implements InterfaceName] qasab ma aha, inkas-

too aynu extends kusoo aragnay markaynu ka hadleynay ardayda, waxaana la isticmaalaa markaad

nooca kasoo dhiraandhirinayso nooc kale sida Student extends Person. Sidaas awgeed waxay la xid-

hiidhaan takhasuska

4. Intaas kadib waxa imanaysa calooshii nooca oo ku jirta calaamadda { ee laynka 2-aad iyo calaa-

madda } ee laynka 5-aad dhexdooda. Waa qasab labadaas calaamadood, sababtoo ah waxay

qeexayaan bilawga iyo dhamaadka nooca

5. Ugu dambayntii haddii aanu noocu buuxin shuruudahaas aynu kor kusoo xusnay, noocaas sax

looma qorin, waxaanu keenayaa waxa loo yaqaan syntax error, oo ah in qoraalka noocu qaldanyahay

borogaraamka Eclipse:na wuxu ku calaamadinayaa casaan, isaga oo kuu sheegaaya meesha ciladdu

ka jirto.

Noocu wuxu caloosha ku haysan karaa sifooyin, ficillo iyo noocyo kale ama wuu madhnaan karaa.

Waxaynu sharaxaad ka bixinaynaa sifooyinka iyo ficilada.